Wariye ka tirsan Idaacadda SKY FM oo lagu xiray Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si Sharci darro ah waxaa ay Magaalada Muqdisho ugu xireen Madaxa Tafatiraha ee Shabakada Warbaahinta SKY FM ee Muqdisho.

Nuurdiin Xasan Ibraahin, oo ah Madaxa Tafatiraha ee Shabakada Warbaahinta SKY FM ee Magaalada Muqdisho ayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya waxaa ay ku xireen Xarunta Dambi Baarista ee CID.

Wariye Nuurdiin  ayaa lagu xiray dacwad uu ka soo gudbiyay Hogaanka sare ee Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya Gen Gaafoow taasi oo ku aadan Baasboor laga xaday Diblomaasi Britain ah kaasi oo ah la Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

540081_131285323707166_187866084_n

Nuur Saciid Tahliil oo ka tirsan Shaqaalaha Shabakada Warbaahinta SKY FM oo la socday markii la xerayay Wariye Nuurdiin Shirdi ayaa sheegay in uu u wacay Madaxa Dambi Baarista ee CID Shanliire islamarkaana uu weydiiyay halka ay ka keeneen War ku aadanaa Baasboo laga xaday Nin Diblomaasi ah.

Wuxuu Wariye Nuur ugu jawaabay in Warka ay baahiyeen Warbaahino isugu jira Idaacado, TV-yo iyo Website-yo  isagoona Wariye Nuur intaasi ku daray in CID ay geeyeen Waraaqo cadeen u ah Wararka iyo Warbaahinada laga siidaayay intaasi kadibna Madaxa CID waxuu iska indhatiray Cadeemihii loo geeyay.

Inkastoo Xariga Wariye Nuurdiin uu yahay mid Sharci darro ah hadana waxaaba la heyn Cid dambiga ku soo oogtay isagoona Wariyaha Dambi la’aan iminka uu ku jiro Xarunta CID ee Magaalada Muqdisho.

Mar aan qadka Taleefonka kula xiriirnay Madaxa Tafatiraha ee Shabakada Warbaahinta SKY FM Nuurdiin Xasan Ibraahin ayaa waxuu sheegay in Qol ay ku xeran yihiin Dad badan lagu daray isagoona intaasi ku daray Xaaladiisa ay halkaasi u wanaagsaneyn.

Ugu dambeyn, Maamulka Sare ee Shabakada Warbaahinta SKY FM ee Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Soomaaliya in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo deeyaan Wariye ka tirsan Idaacadad SKY oo u xiray Saraakiil ka tirsan DF Soomaaliya.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




1280px-Flag_of_Algeria.svg Algeria oo diidan in Diyaaradaheeda lagula Dagaalamo Tahriibayaasha
- May 25, 2015
Alger’s (SKYNFM)- Dowlada Algeria ayaa ku gacan seertay codsi uga yimaaday Midowga Yurub oo ...
dhadhaabXero1 Kenya oo dib u celineysa Qaxootiga Soomaaliyeed
- May 25, 2015
Nairobi (SKYNFM)-Haron Komen oo ah masuul ka tirsan Wasaraada arimaha gudaha Kenya ayaa sheegay ...
images (1) Saraakiil ka tirsan Booliska DFS oo Tababar loo soo xiray
- May 25, 2015
Djabuuti ( SKYNFM)-Saraakiishan Booliska ah ayaa waxaa ay dhameysteen Tababar 3 Bilood ah oo ...
GE DIGITAL CAMERA Wasiiru Dowlaha Gaadiidka oo gaaray Baydhabo
- May 25, 2015
Baydhabo (SKYNFM)—C/rashiid Xaaji Deeroow, Wasiiru Dowlaha Gaadiidka Cirka iyo Badda iyo Dekadaha Soomaaliya oo ...
Dhuxul-Kismaayo-618x412 QM oo ku eedeysay Kenya Dhuxul ka dhoofin Magaalada Kismayo
- May 25, 2015
New-York (SKYNFM)-Kooxda Dabagalka ee Soomaaliya iyo Eretria u qaabilsan QM ayaa Warbixin ay soo ...
Amaana_baladweyn_2 Wasiir C/raxmaan: waa laga hortagaa Raashiinka dhacay
- May 25, 2015
Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane C/raxmaan cabdi Cusmaan ayaa sheegay in ...
AMISOM AMISOM oo lagu eedeeyay hakinta la Dagaalka Al Shabaab
- May 24, 2015
Dr Vanda Felbab-Brown oo ah qabiir ka tirsan hay’add caalami ah oo amaanka faaqida ...
cd10f676-707a-4672-aefe-cec30cf1c90b Xukuumadda Somalia oo Guddi u xilsaartay Dilka Xildhibaan Dirir
- May 24, 2015
Muqdisho (SKYNFM)—Si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo Dilkii Shalay Magaalada Muqdisho loogu geystay Xildhibaan ...
10-29-2014Nicholas_Kay Nicolas key oo cambaareeyay Dilka Xildhibaan Dirir
- May 24, 2015
Muqdisho ( Sh.M.Network)-Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicolas key ayaa ka hadalay ...
NICK Ethiopia iyo QM oo ka hadlay arimaha Somalia
- May 24, 2015
Adisababa ( SKYNFM)-Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya Nikolas Kay ayaa gaaray Magaalada Adis Ababa ...